Saturday, July 11, 2026
26.1 C
Mogadishu

Puntland iyo Jubbaland oo war ka soo saaray heshiiskii RW Rooble iyo Midowga Musharraxiinta

Garoowe (Halqaran.com) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland soo dhaweeyay heshiiskii ay xalay wada gaareen Midowga Musharraxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Puntland waxay caddeysay in ay tahay tallaabo wanaagsan in dowladda Soomaaliya ay qiratay weerarkii lagu qaaday Hoteelka ay degan yihiin Musharraxiinta xilka Madaxweynaha iyo dibadbaxayaal.

‘‘Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Musharraxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo‘‘, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Puntland.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa dhankeeda soo dhaweysay heshiiskii ay xalay wada gaareen Midowga Musharraxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

‘‘Jubaland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah inay wax ka badasho qaabka ay ula dhaqmayso musharraxiinta mucaaradka iyadoo loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka‘‘, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Jubbaland.

Ugu dambeyn, Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharraxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...