Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

Muxuu ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen Jabuuti iyo Somaliland?

Jabuuti (Halqaran.com) – Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Somaliland ayaa Axadda maanta ah kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.

Heshiiskan ayaa waxaa labada dhinaca u kala saxeexay taliyeyaasha booliska Somaliland iyo Jabuuti, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo farabadan, oo ku howlgalla magaca AMISOM, kuwaas oo ku sugan inta badan degmoyinka Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Si kastaba, Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhowr jeer heshiisyo isugu jira, Ganacsi iyo Amni waxaa ay la saxiixatay Somaliland, iyaga oo sidoo kale casuumay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...