Wednesday, July 15, 2026
25.4 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in golaha wasiirrada ee maamulka Galmudug Amar la siiyay, & DF Somaliya oo…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Kaddib kulan ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir guddoominayo Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxay si dhow uga wada hadleen arrimaha amniga.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxay isla garteen in dib u dhac uu ku yimid amniga Magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii Dowladda Federaalka Somaliya lagu wareejiyay amniga magaalada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug, Duraan Maxamed Samatar ayaa sheegay in dib u dhac uu ka muuqdo amniga Magaalada Dhuusamareeb, isagoo sababtana ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada ka dhaceen, falal aan horey uga dhici jirin.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta markii kulankaasi la soo geba-gabeeyay ayaa tilmaamay in dib u dhacaan uu yimid, wixii ka dambeeyay markii Dowladda Somaliya ay la wareegtay amniga Xarunta Gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa muujiyay in Dowladda Somaliya ay ka gaabisay dardargelinta amniga Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana uu amnigu Dhuusamareeb maanta ka hooseeyo, xilligii dowladda lagu wareejinayay.

Wasiir Duraan ayaa intaasi ka dib sheegay in Golaha Wasiirada Galmudug lagu amray inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday, ayna u shaqeeyan bulshada ay ka masuulka yihiin.

”Dhammaan Golaha Wasiirada Galmudug waxaa la faraya in ay gutaan waajibaadkooda loo igmaday, una adeeggan bulshadooda.” Ayuu yiri Duraan Maxamed Samatar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...