Tuesday, June 2, 2026
26.7 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Bakool

Xudur (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ku leeyihiin degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhowaad saacad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee aan si rasmi ah loo cadeyn karin maadaama xilli dambe oo xalay ah uu dagaalka dhacay.

Saraakiil ka tirsan Ciidada Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Xudur ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii dhacay ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Ugu dambeyn, degmada Xudur ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana bilihii la soo dhaafay ka jiray xaalado aad u daran, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen inay go’doonka ka qaadayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...