Gedo (Halqaran.com) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa dagaal culus uu ku dhex-maray degaano hoostaga degmada Luuq ee gobolka Gedo, dagaalkaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal ka bilaabeen deegaanno hoostaga degmada Luuq, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Tuulada Shaataloow oo 18km u jirta degmada luuq ee Gobolka Gedo.
Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya laba jeer ay dagaal la galeen Al-Shabaab, isla markaana Xubno badan ay ka dileen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay ka saaraan deegaannada hoostaga degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, sidoo kalena ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah.
Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kadib markii Al-Shabaab ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada ama weraro jidgal ah ay ku qaadaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





