Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Dowlada Somaliya oo shaacisay sababta & cidda uu ka socon waayay Shirka Dhuusamareeb

Muqdisho (Halqaran.com) – Kaddib markii uu fashil iyo natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday Shirkii Dhuusamareeb ee u dhaxeeyay Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir ayaa waxa ay Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ka dambeeyaan dowlado Shisheeye.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu sheegay in sababaha shirka uusan ka soo bixin wax natiijo ah ay tahay, kadib markii qodobbada qaar uu ka socon waayay dhinaca Maamulka Jubbaland.

Shirka Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka socda Dhuusamareeb

Wasiir Dubbe ayaa dhinaca kale sheegay in shirka sidoo kale uu ka socon waayay dowladdo shisheeye oo uu sheegay in aysan dooneyn in doorasho ka dhacdo Soomaaliya, walow uusan shacin dowladahaas uu ku eedeeyay fashilka ku yimid Shirkii Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn, hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee DF Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli dhowr jeer dowladda Soomaaliya ay Kenya ku eedeeysay inay faragelin ku heyso Arrimaha Soomaaliya.

Halka hoose ka dhageyso Shirka Jaraa’id Wasiir Dubbe:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...