Friday, May 8, 2026
27.8 C
Mogadishu

Garoowe: Booliska Puntland oo ka hortagay Gabar nolosha isku gubi rabtay

Garoowe (Halqaran.com) – Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal, ayaa shaaciyay in ay xalay ka hortageen dhacdo fuul-xun oo gabar dhallinyaro ah ku doonaysay inay isku gubto.

War qoraal ah lagu daabacay barta Facebook-ga ee Booliska Puntland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Amniga Garoowe ka hortageen arrintan oo ka dhacday xaafad ka tirsan magaalada Garoowe.

Waxaa kaloo qoraalkan lagu sheegay, in gabadhu wadatay baasiin iyo taraq ay doonaysay in isku gubto, balse uu taraqii u bixi waayay, kadib markii uu qoyay.

Halka hoose ka akhriso warka kasoo baxay booliska oo sidaan u qornaa:

Ciidamadda ammaanka Garowe iyo saraakiisha hawlgalinta booliska Gobolka Nugaal waxay xalay ka hortageen dhacdo foolxun oo gabadh dhalinyaro ah ku doonaysay inay ISKU-GUBTO,NAFTA isaga goyso ama ay isku-dili rabtay kadib markey BAC kusoo qaadatay baasiin iyo taraq balse nasiib wanaag taraqii ka qooyay sidaas darteedna uu u bixi waayay dabkii kabriidka ama taraqu.

Gabadhaan oo laga helay luuq ku yaala xaafadaha magaalada GAROWE,waxaa la geeyay Cisbitaalka guud ee dowladda, si loogu dabiibo looguna sameeyo baaritaan,kadib markey heleen boolisku waxay sidatay Telefon labo SIM CARD leh,oo middi yahay Telesom,midna yahay GOLIS,dadaal dheer kadib iyo xiriiro dhexmaray qaar ka mid ah bulshada iyo laamaha Amaanka waxaa lagu guulaystay Aqoonsiga xubno ka mid ah ehelka iyo qoyskeeda,si loola socodsiiyo dhacdadaan ka hortaga ay ku sameeyeen ciidamada boolisku.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...