Muqdisho (Halqaran.com) – Beesha Caalamka ayaa waxa ay soo dhoweysay magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo.
Inkastoo uu soo daahay war-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu yiri, tallaabadan wanaagsan waxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi deg-deg loogu hirgeliyo hannaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.
Sidoo kale, Beesha caalamka waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si deg-deg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.
Saaxiibadu waxay ku baaqeen hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





