Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Jubbada Hoose

J/Hoose (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaannada Taabta iyo Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa lagu soo warramayaa inuu socday muddo saacado ah.

Dadka deegaannadaas ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale, dadka deegaannada Taabta iyo Baar-Sanguuni  waxaa ay sheegeen inay casbi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.

Ugu dambeyn, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaananda Taabta iyo Baar-Sanguuni  ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay deegaannadaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyada ay ku sugan yihiin la weeraray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...