Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Goodax Barre ”Ma jirto khiyaanno qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad & Farmaajo”

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si kulul uga hadlay Wararka leysla dhexmarayo oo sheegaya in Dhalinyaradii tababarka Ciidanimo Dowladda Soomaaliya ugu dirtay Ereteriya lagu dilay dagaalkii Gobolka Tigreega Itoobiya.

Xildhibaanka oo qoraal muuqaal wata soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in ay tahay arrintaas mid mas’uuliyad darro ah oo walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida ayuu yiri” Goodax Barre.

Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo xalay Saqdii Dhexe la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa been abuur ku tilmaamay wararka la xiriira in dhalinyaro Soomaali ah lagu dilay dagaalkii Gobolka Tigreega, waxaana uu sheegay in Warkaas uu yahay mid siyaasadeeysan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...