Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo Amar culus soo saartay

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku amray ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Galmudug in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilalka ka geysta gobolka Galgaduud.

Shuute ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto oo caddaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilkii dhawaan loogu geystay degaan hoos yimaada degmada Balanbale shan qof oo shacab ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidanka qalabka Sida ayaa waxa uu tilmaamay in sidoo kale la soo qabto kooxihii dilay lix sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Ugu dambeyn, Sidoo kale wuxuu xusay guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, in dowladda Soomaaliya ay howlgalin doonto ciidamo gaar ah oo loogu tala galay in ay la shaqeeyan Maxkamaddaha si loo soo qabto dambilayaasha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...