Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Dowladaha Somaliya iyo Turkiga oo hirgelinaya heshiisyo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane Xasab Cabdinuur Cabdi, ayaa danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz kala hadlay dardar gelinta heshiisyadii is afgarad ahaa oo ay horey u wada galeen wasaaradaha labada dowladood ee walaalaha ah.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho,iyadoo horay u jireen heshiisyo ku saabsan Biyaha iyo tamarta oo labada dal wada gaaree.

Labada Masuul ayaa isla meel dhigay sida wax looga qaban karo biyo yarida ka dhacda dalka xilliyada roobabku yaraadaan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha kulanka oo la yeeshay danjiraha Turkiga waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...