Monday, April 20, 2026
28.1 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo digniin culus u diray mas’uuliyiinta hay’adaha garsoorka dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga digay mas’uuliyiinta Hay’adaha garsoorka dalka in ay u cadaalad fali waayaan Shacabka Soomaaliya.

Mr. Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka cawdaan garsoorayaasha, isagoona digniin culus u diray Hay’adaha garsoorka dalka.

‘‘Shacabka Soomaaliyeed aad bey uga cawdaan garsoorayaasha waxaan idinkaga digayaa in shacabku idinka cawdo, waxa aad maanta fashaan ayaad bari heleysaan, barri shacab ayaad noqoneysaan maanta cadaalad fala si aad bari u heshaan‘‘, ayuu yir  Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa ku soo aadaya, xilli dhowr jeer Shacabka qaarkood ay sheegeen in aysan Cadaalada ka jirin Maxkamadaha dalka, taas oo soo noq-noqotay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...