Maxaas (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in ilaa iyo 5 ruux oo dhawaan laga afduubtay deegaanka Goobo ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolkaasi, kaddib markii laga degsaday gaari ay la socdeen oo ka yimid degmada Guriceel, kuna wajahnaa degmada Matabaan.
Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in sababo la xiriira aanooyin qabiil ay dadkaais u afduubteen, kadib dilal ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Matabaan, balse ugu dambeyn Maanta la siidaayay la sii daayay.
Odayaasha dhaqanka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen in maleeshiyaadka ay dalbadeen Lacag diyo ah oo dad horey looga dilay taas dhan 40 kun oo Doolar oo Madax furasho ah markii ay bixiyeene sidaasi lagu soo daayay Shanta qof ee afduubka loo heystay.
Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka degmada oo warbaahinta kula hadlay Guriceel ayaa waxaa ay sheegeen in wada-hadallo ay la galeen maleeshiyaadkii dadkaasi heystay ay suurta gashay inay lacagtaasi ku wareejiyaan,
Wararka ayaa sheegaya, in shantii qof ee la afduubtay iyo gaari ay wateen ay gaareen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo markii hore ay u socdeen.
Si kastaba ha’ahaatee, ha hor inta aan dadka laga afduubay duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa jirtay in siyaabo kala duwan laba Darawal loogu dilay inta u dhaxeysa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





