Sunday, May 3, 2026
27.9 C
Mogadishu

QM oo lacag fara badan ugu deeqday la dagaallanka Ayaxa ku habsaday Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in ay 1.5 Milyan oo dollar ugu deeqday la dagaallanka Ayaxa dhowaan ka dillaacay qaar ka mid ah Waddamada bariga Afrika.

Dhaqaalahan oo la soo marsiiyay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa inta badan loo isticmaali doonaa hawlgallada xakamaynta Ayaxa, iyadoo lagala dagaallamayo hawada iyo dhulka.

Ku xigeen xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, Farhan Haq ayaa sheegay in tan iyo December 2020-ka ay duufaanno ka dhaceen bariga Ethiopia iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka dhacday tii ugu xoogga badnayd ee Gati.

Bishii la soo dhaafay ayay hay’adda Cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay u qaabbilsan ee FAO codsatay dhaqaale dheeri ah si sare loogu qaado la dagaallanka Ayaxa ka dillaacay waddamada bariga Afrika oo ay u horreyso Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...