Sunday, May 3, 2026
27.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan wadatashi ah la yeeshay Musharraxii Labaad

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii wada kulammada wadatashi ee uu la leeyahay siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho daahfuran oo dhinacyada oo dhan ku wada qanacsan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ay ka wada hadleen xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay siyaasiga Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo sidii dalka horumarkiisa wadajir loogu sii amba qaadi lahaa, waxaana is dhaafsanay tallooyin wax dhisaya, xafiiskeyguna waa furan yahay cid walba oo tabasho qabta”.

Eng. Rooble ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho ku dhacda waqtigeeda, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay wax walba tabasho ah in wada xaajood lagu dhammeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in nabadgelyada dalku ay tahay masuuliyad guud oo wada saaran siyaasi iyo shacab, loona baahan yahay in la wada ilaaliyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...