Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo xilka la wareegay

Muqdisho (Halqaran.com) – Munaasabad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xogayihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/risaaq Xuseen Aden waxa uu si rasmi xilka ugu wareejiyay Xoghayaha Joogtada ee cusub Dr. Maxamed Ibraahim Nuur oo todobaadkan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Xil wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir. Xoghayihii xilka wareejiyey ayaa u mahad celiyay shaqaalaha waaxaha kala duwan ee Xafiiska ee ay soo wada shaqeeyeen intii uu xilkaas hayay ,waxuna sheegay in uu guul iyo horumar u rajeynayo.

Xoghayaha cusub ee joogtada ee Xafiiska Dr. axamed Ibraahim Nuur oo hadlay ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Maxamed Xuseen Rooble. Isagoo ka codsaday hay’adaha dowladda iyo shaqaalaha xafiiska wada shaqeyn.

Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/xakiin Xasan Ashkir ayaa tilmaamay sida uu yahay sunnaha dowladnimadu xilku yahay meerto, si xushmad lehna u sagootinayay Xoghayihii hore.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...