Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirrada ee Somaliya?

Muqdisho (Halqaran.com) – Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixinno la xiriira socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha ee Puntland iyo Galmudug, Amniga Doorashooyinka, Amniga xuduudaha dalka, Kaalinta IGAD ee xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya iyo qodobbo kale.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda FS Mudane Cismaan Dubbe ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku gatay dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug. “Socdaalkaas ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu gogol xaarayay doorashooyinka dalka, ku qiimeynayay xaaladda dowlad-goboleedyada, kulana kulmayay qeybaha bulshada” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe, oo intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golaha warbixin ka siiyay falkii argagixiso ee ay geeriyoodeen saraakiil ciidan ee ka dhacay Gaalkacyo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyay socdaalkiisii Belgium oo uu kula soo kulmay deeqbixiyeyaasha taageera Soomaaliya, safarkaas oo ahaa mid guuleed iyo shir-madaxeedkii IGAD ee lagu dhisay guddi ka shaqeeya xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey Golaha xaaladaha amni ee dalka, xiligan lagu jiro doorashooyinka iyo howgallada lagu xaqiijinayo amniga sohdinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan aagga Beledxaawo iyo Mandheera, halkaas oo jabhado abaabulan ay weerarro qorshaysan ka geystaan.

Ugu dambayntii Golaha Wasiirada ayaa ansixyey Xeerka xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha iyo siyaasadda fayodhowrka biyaha oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...