Tuesday, October 20, 2026
26.3 C
Mogadishu

Magacyada mas’uuliyiintii ku dhinatay Qaraxii Gaalkacyo & Xilalka ay hayeen +(Akhriso)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay goob lagu soo dhaweynayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa lagu soo warramayaa in qaraxa ay ku dhinteen, Taliyihii qeybta 21-aad ee milatariga xoogga Soomaaliya, Janaraal Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje Dagaari) iyo Taliyiyihii Ciidamada Danab, qeybta Galmudug, Korneyl Muqtaar Cabdi Aadan.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen Taliye ku-xigeenkii ciidanka Danab, qeybta Galmudug, Dhamme C/raxmaan Mire Cali iyo Duqii hore ee Degmada Gaalkacyo, qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Qofka naftiis haligaha ahaa ee is qarxiyay ayaa la sheegay inuu soo dhex galay Ciidankii iyo saraakiisha sugayay amniga, waxaana mar qura isla yeeray dhawaaq xooggan oo ahaa qaraxa iyo uuro.

Qaraxa ayaa sidoo kale, waxaa ku jiray dadkii ku dhintay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Koofurta magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi ammaankooda ku sugaya ciidamada Milatariga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...