Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si kulul uga hadlay waddooyinkii maanta la xiray ee Magaalada Muqdisho.
CCW ayaa sheegay in sanadkii labaad dadka reer Muqdisho laga hor istaagay xuska 17-ka December, oo ku aadan markii ay Ciidamada Nabad Suggida weerareen hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho.
“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho wadooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17-ka December.”
“Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray.” ayuu yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu lahaa masuuliyadda lagu weeraray hoygiisa, iminkana uu diidanyahay in dadku soo xusuusto wixii dhacay 17-kii December ee sanadkii 2017.
“Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, isla-markaana diidan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka wadooyinka u fur.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Dowladda Federaalka iyo laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





