Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland ”DF Somaliya waxay na siisay fursad aan aqoonsi ku heli karno…!”

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu ku tegay magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in guul ay ku dhamaadeen kulamadii uu la qaatay Madaweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in Kenya ay la tageen heshiisyo waaweyn oo ay la galeen oo ay kamid ahaayeen, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo ku saabsan Amniga Gobolka.

Geesta kale, Muuse Biixi Cabdi  ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Go’aanka ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya, waxaana uu sheegay in go’aankaas uu albaab walba u furayo Somaliland.

“Horta go’aankaan ay la yimaadeen Soomaaliya ee ah in dowlad walba aan u tagno inay xiriirka u jaraan albaab wanaagsan ayay noo fureen oo aan aqoonsi ku heleeno, annagana cid walba waan la shireynaa‘‘ ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...