Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo baaq deg-deg ah u diray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz uu gelinkii dambe shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha guddiga doorashooynka dowladda ee lagu muransan yahay Maxamed Xasan Cirro ayaa waxaa kulankaasi si adag uga hadlay Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

War ka soo baxay dowladda ayaa kulankaasi lagu sheegay, in uu ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada dalka, balse waxaa kulankaasi aad uga xumaaday oo ka jawaabay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa loogu baaqay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin in Safiirka uu taageero iyo boggaadin u muujiyo Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay.

Sidoo kale, qoraalkaaasi ayaa lagu sheegay in uu isburinayo War-Saxaafadeedkii ka soo baxay Beesha Caalamka oo Turkiga qeyb ka yahay & taageerada uu safiirka Turkiga u muujiyay Guddiga sharci darrada ah ee doorashooyinka Qaranka.

Xubnaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah oo ay had iyo jeer  ay siiso Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waxay aheyd xalay markii Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya qoraal ay u direen Safaarada Turkiga ee Muqdisho ay walaac uga muujiyeen hub iyo saanad Milateri oo dowladda Turkiga ay qorsheneyso inay soo gaarsiiso dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay joojiso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...