Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

RW Rooble oo dhagax dhigay Garoonka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee shalay dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Rooble ayaa waxaa dhagax dhigaan ku wehlinayay Madaxweynaha Galmudug, Ku-xigeenkiisa, Wasiirro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “Farxad ayay ii ahayd in aan dhagax dhigo Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, tan oo qayb ka ah kaalinta Dowladda Federaalka ka geysaneyso horumarinta Galmudug.”

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ganacsatada reer Galmudug ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan horumarinta Galmudug.

“Waxaan ku boorinayaa ganacsatada reer Galmudug in ay gacan ka geystaan horumarinta deegaanadooda.” Ayuu yiri RW Rooble.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Ra’iisal Wasaaraha kaga mahadceliyay dhagax dhigiisan Garoonka Ugaas Nuur, oo ah midka ugu mashquulsan badan Gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyn, Qoorqoor ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu yeeray in ay kaalintooda ka qaataan horumarka ka socda Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...