Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

”Galmudug ma barbar carari doonto dowladda federaalka ee Soomaaliya‘‘ waxa yiri wasiirka…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay inaanay Galmudug barbar carari doonin Dowladda Federaalka, si lamid ah, sidii ay Puntland sameysay.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa natiijo la’aan kala soo laabtay shirkii ay Magaalada Garoowe kula yeesheen Madaxda Maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo ka hadlayay ujeedada uu Ra’iisal Wasaaruhu u yimid Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sheegay mid uun la xiriirta arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu u yimid in danaha maqan la’isu soo jiido, si loo helo doorasho la wada leeyahay oo loo dhanyahay. Mar walba Madaxweynahayaga iyo dadka Galmudugba waa halbeygeeda weeye in la helo doorasho loo dhanyahay.” ayuu yiri Wasiirku.

“Galmudug mar walba waxay u taagan tahay in loo hiiliyo qaranimada iyo in Dowladda Soomaaliya hana qaaddo, waxayna u tahay halbeyga ay ku socoto. Maamulkeenu maaha mid isku dhereriya ama xisaatankiisu ku saleysanyahay inuu Dowladda Federaalka barbar ordo.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Magaalada Dhuusamareeb shir kula leh Madaxda Maamulka Galmudug, iyadoona Galmudug si dhow loola xiriiriyo Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...