Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay Kulankii M/weynaha Kenya & M/weynaha Somaliland? +(SAWIRRO)

Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Nairobi ayaa Isniinta maanta kulan la qaatay madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku qaabilay madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubno kamid ah wafdigii la socday ee ka raacay Magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka ayaa Madaxweyne Uhuru kenyata waxa ay kala hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo dardar-gelinta Ganacsiga.

Sidoo kale, wafdiga Madaxweynaha Somaliland oo booqashadooda qaadan doonto muddo sadex cisho ah ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan.

Madaxtooyada Kenya oo ka hadashay kulanka Uhuru iyo Biixi ayaa sheegtay in maalinta berito oo Talaado ah ay markale wada kulmi doonaan labada mas’uul si ay u sii ambaqaadaan wada-hadallada u dhaxeeya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...