Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya, in qarax jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha koonfurta magaalada uu ka dhacay bannaanka hore ee xarunta dowladda hoose ee Gaalkacyo ee Galmudug.
Goobjoogayaal ayaa sheegay, in qaraxani uu ahaa miino la geliyay fuusto qashin ah oo taalay bannaanka hore ee xarunta dowladda hoose.
Waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhaacmeen Afar qof oo labo ka mid ah ay yihiin Askar.
Wararka ayaa sheegaya, in xiliga qaraxa uu dhacayay ay socotay Shaqada Dowladda Hoose, isla markaana gudaha Xarunta uu ku jiray Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, si uu u bilaawdo shir u dhaxeeya Golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Ciidamada Galmudug ee ku sugan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas, balse ilaa iyo hadda aysan dad u qaban.
Weli wax faah-faahin ah kama bixin qaraxaasi mas’uuliyiinta mamulka magaalada Gaalkacyo iyo laamaha Amniga, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





