Sunday, June 14, 2026
25.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Puntland oo yeeshay kulan wadatashi ah

Garoowe (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka ah iyo Puntland, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si wadajir loogu wajaho dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...