Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo sheegtay in duqeyn lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Jilib (Halqaran.com) – Ciidanka Kumaandooska xoogga Dalka oo kaashanaysa Taliska Ciidanka Africom ayaa duqeyn cirka ah u gaystay Warshad ay lahaayeen Al-Shabaab oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo kuna taalay agagaarka Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

War kasoo baxay taliska Ciidanka xooga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in  qiimayn hordhac ah oo la sameeyey ay sheegeeyso in duqeynta lagu dilay 10 -tirsan Al-Shabaab.

“Warshadan ayaa caan ku ahayd soo saaridda qaraxyada ismiidaaminta ee ay Al-Shabaab ku dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana u jeedku ahaa in aan burburino‘‘ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale, taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in, iyaga oo kaashanaya Africom ay ka go’antahay la dagaallanka Al-Shabaab iyo ururada kale si loo badbaadiyo shacabka aan waxba galabsan ee ah rag iyo  dumar iyo carruur ee ku sugan Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah.

Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada dowladda ayaa mararka qaar duqeymo ka fuliya deegaanno ka tirsan gobolada dalka, waxaana duqeyntaan ay kusoo aadeeyaa xilli Mareykanka uu dhawaan sheegay in Ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...