Monday, May 11, 2026
29.9 C
Mogadishu

Dagaal ka socda xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa dagaal uu ka socdaa meel u dhow isgoyska Carwo Itko ee kala qeybiya degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley ee Magaalada muqdisho.

Halka uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa laga maqlayaa rasaaas fudud iyo baasuukayaal.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda dagaalamaysa, waxaana jira khasaaro ka dhahay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu u dhaxeeyo rag hubeysan oo watay Gaari, kuwaas oo isu dayay inay si awood ah ku maraan Bar-koontorool oo halkaasi ku taalla.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in raga hubeysan ay dhowr bamboo gacmeed ku tureen Xarunta Waaxda Afaraad ee Barwaqo oo ka tirsan degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...