Monday, May 11, 2026
29.9 C
Mogadishu

Itoobiya oo go’aan adag ka gaareysay sida laga yeelayo saraakiisha TPLF

Addis Ababa (Halqaran.com) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa Magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiya.

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya kulanka ayaa u jeeskiisu ahaa qaabkii loo qaban lahaa oo cadaalada loo keeni lahaa madaxda baxsadka ah ee TPLF.

Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in uu dhammaaday dagaalka balse iminka uu bilowday ugaarsiga xubinta TPLF gaar ahaan saraakiisha hogaamineysay.

Inkastoo ciidanka Itoobiya 28-kii bishii la soo dhaafay ee November la wareegeen magaalada Mekelle  ee xarunta Tigray hadana wali ma dhamaan colaada gobalkaasi.

TPLF ayaa ka da gaalameysa dhulka keymaha iyo buuraha ah ee gobalka waxaana shaqaalaha gargaarka ay sheegayaan in xitaa nawaaxiga magaalada ay ka dhacaan dagaalo goos goos ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...