Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Somaliland oo xukun toogasho ah ku fulisay 6 rag ah

Mandheera (Halqaran.com) – Somaliland ayaa Khamiista maanta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay 6 Nin oo hore Maxkamadaha Somaliland dil ugu xukumeen, kuwaas oo la sheegay inay dil geysteen.

Raggan ayaa muddo u xirnaa Somaliland, waxaana maanta lagu toogtay fagaaro ku yaalla duleedka Xabsiga deegaanka Mandheera gobolka Saaxil, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen ehellada dadka la dilay iyo kuwa wax dilay iyo sidoo kale mas’uuliyiinta Maxkamadda Gobolka Saaxil.

Lixda nin ee dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa dilkooda saxiixay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaddib markii xukun lagu riday.

Halka hoose ka akhriso magacyada Ragga toogashada lagu fuliyay.

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...