Tuesday, April 28, 2026
29.9 C
Mogadishu

AMISOM oo shaacisay inay ka qeyb qaadaneyso Amniga Doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb Francisco Madeira ayaa warbixin ka siiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya .

AMISOM ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in si ballaaran ay uga qeyb qaato doorashada Ammaankeed, isagoo xusay in ay mar hore bilaabeen qorshaha taageerada Ammaanka.

Amb Francisco Madeira ayaa xusay in Midowga Afrika oo rabitaankiisa ah inuu arko ka qeybgal buuxa haweenka ee doorashooyinka soo socda, isagoo xusay in lagu guuleysto qoondada 30 boqolkiiba haweenka.

Wakiilka gaarka ahee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM ayaa tilmaamay in AMISOM ay gudaneyso waajibaadkeeda ah inay taageerto DF Soomaaliya si loo diyaariyo loona qabto doorashooyinka.

Taageerada dhinacyada badan leh waxaa ka mid ah howlgalada wadajirka ah, qorsheynta amniga, tababarka amniga doorashada ee booliska Soomaaliyeed ee ku sugan maagaalooyinka doorashada lagu qabanaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...