Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo shir deg-deg ah ka yeelanaysa Xaaladda Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniinta maanta kulan xasaasi ah oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya ku yeelanaya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York

Kulankan xubnaha ka qeybgalaya ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana la sheegay in shirka uu bilaaban doono 6:00 PM waqtiga Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa warbixin la xiriirta xaalada siyaasadeed, mid doorasho iyo mid amni ee xilligaan dalka laga dhageysan doonaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn waxaa ay uga hadli doonaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo xilligaan uu khilaaf ka taagan yahay, iyaga oo soo saari doona baaq ku socda saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Dhawaan Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay sheegeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka iyo is afgaradka si horay loogu sii wado howlaha doorashooyin loo dhan yahay.

Kulankaan deg dega ah oo ay xaalada Soomaaliya ka yeelanayaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadayaa xilli Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya maalintii saddexaad uu shir uga socdo Muqdisho, kuwaasi oo qaadacay guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha Dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...