Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdiga ra’iisul wasaare Rooble ayaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu shir kula leeyahay madaxda maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana sugaya amniga Ciidamada Booliska iyo Militariga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








