Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Kheyre”Haddii aan lagu heshiinin doorashada, waxay qatar gelin kartaa dowladnimada Somaliya”

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ahna musharax Madaxweyne oo Jimcihii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Xasan Cali Kheyre oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in uu horay u sheegay intii uu xilka haayay inay waajib tahay in Afartii sanaba dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waafaqsan Dastuurka haatana uu markale ku celinayo.

Waxaa uu sheegay in haddii aan lagu heshiin nidaamka doorasho aan lagu heshiineyn doonin dowladnimada ka dhalata, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in Cashar laga barto wixii la soo maray.

“Waxaan maanta dalka dib ugu soo laabtay in uu jiro walaac la xiriiro doorashada, waxaana ugu baaqayaa madaxda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed inay muhiim tahay in lagu heshiiyo doorashooyinka, laakin haddii aan lagu heshiin ay qatar geli karto dowladnimada Soomaaliya‘‘ ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in doorasho aan lagu heshiin ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kala duwan, isaga oo tusaalo u soo qaatay dagaalka ka socda Itoobiya oo uu sheegay inuu ka dhashay doorasho dib loo dhigay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...