Sunday, April 19, 2026
27.7 C
Mogadishu

UPDATE: Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliya oo xilkii laga qaaday, laguna baddelay…

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud Abuubakar Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dowladda Federalka Soomaaliya, kadib markii xilkii laga qaaday Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Safiir u magacaabay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Danjire Ahmed Ciise Cawed.

Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban soo dhigay Boggiisa Twiterka ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu qabto xil safiir iyo xil kale toona.

Cawad ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya intii ay soo wada shaqeeyeen, waxaana uu sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn xil Safiir.

Ugu dambeyn, lama oga sababta xilka looga qaaday Wasiir Cawad balse, warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan inay ka dambeysay, kadib markii Boggiisa Twiterka uu ku beeniyay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya oo looga hadlay mowqifka dowladda Somaliya ee dagaalka Itoobiya iyo Tigreega.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...