Saturday, April 18, 2026
28.5 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inuu soo kala kacleeyay Cudurka Coronavirus

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in markale uu cudurka safmareenka ah ee Coronavirus uu ku soo laba kacleeyay Soomaaliya, isla markaana la helay kiisas Cusub oo Cudurka ah.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, wasiirada wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaar kamid ah gobollada dalka iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay laga soo warinayo in uu jiro kiisas Cusub oo COVID-19 ah oo la helay.

Wasiirada Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in laga soo bilaabo Bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ilaa Bishaan November ay Wasaaradda Caafimaadka baartay 53,373 Ruux , waxaana Cudurka laga helay 4,382 halka ay ka bogasadeen 3,384, waxaa sidoo kale u dhintay 108 Ruux, kuwaas oo kala joogay Muqdisho iyo Goboladaka dalka.

Wasiir Fowsiya waxaa ay sheegtay in laga soo bilaabo 1-da Bishan ilaa Maanta oo taariikhdu tahay 17-ka Bisha November ay Wasaaradda diiwaangelisay 153 Ruux oo laga helay Cudurka COVID-19, waxaa ka bogsaday 50 Ruux halka uu u dhintay hal Ruux.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...