Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Khasaaraha qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho & Booliska oo

Muqdisho (Halqaran.com) – 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad u dhow dugsiga tababarka ciidamada booliska Soomaaliyeed Jeneraal Kaahiye degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Afhayenka booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay maqaaxi ay dad shacab ah fadhiistaan oo u dhow dugsiga booliiska Jeneraal Kaahiye.

“Naftii haligaha waxa uu galaaftay nolosha shan qof oo rayid ah iyo isaga oo lix ku ah, waxaana ku dhaawacantay ilaa iyo 8 qof, ciidanka booliska ayaa gar gaar caafimaad u fidiyay dadka shacabka ah ee waxyeelada ka soo gaartay” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, afhayeenka Booliiska ayaa sheegay inuu socdo baaritaan ku saabsan qofka is qarxiyey iyo sida ay wax u dhaceen.

Halka hoose ka dhageyso Codka Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...