Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in guddoomiyaha Aqalka sare uu cabasho ka dhan ah M/weyne Farmaajo RW Rooble u gudbiyay QM?

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Warqad dacwo ah u diray xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya DF ee Soomaaliya gaar ahaan Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

War qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in xilligaan wadanka uu ku jiro waqti kala guur ah oo la galayo doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal si ay xor iyo xalaal ugu dhacaan, hayeeshee uu ka digayo in doorashooyinka Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi ay faragelin ku sameeyaan Madaxweyne Farmaajo & Taliyaha Hay’adda NISA Cabdi Xaashi Cadillaahi.

“Maanta, waxaan idiin soo gudbinayaa labadiinaba anigoo ku hadla af-hayeenka Aqalka sare iyo sidoo kale masuulka ugu sareeya ee laga soo doorto gobolada waqooyi ee Somaliland sidoo kale waxaan ahay xubin hoose oo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Wadanka kana shaqeynayay muddo soddon sano ah, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha & Taliyaha NISA sharciga ayay ku tunteen, iyaga oo si aan sharci aheyn u soo xulay Xubnaha Guddiyada Matalaya gobolada Waqooyi  ee soo xulaya Baarlamaanka ayaa lagu yiri” Qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare.

Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha arrintaan ay qaadayaan saddexda Mas’uul, waxaana uu ugu baaqay Xubnaha ay warqadaan ku socoto inay soo farageliyaan holwah socda si looga hortago musuq maasuq lagu sameeyo Doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka kasoo galaya Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale, qoraalka Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa la ogeeysiiyay Safiirada, Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Si kastaba, guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhowr jeer oo hore soo saaray qoraalo uu kaga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee Ra’iisul Wasaare Rooble u Magacaabay doorashooyinka xildhibaannada gobolada Waqooyi.

Haddaba halka hoose ka akhriro qoraalka dacwadda ah ee guddoomiye Xaashi:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...