Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha golaha Shacabka ee BF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magacaabay guddi KMG ah oo loo igmaday soo diyaarinta saamaynta cudurka Covid19 ku yeeshay dalka.
Magacaabidda guddigaan ayaa ku soo aadaysa waqti uu gabagabo uu marayo muddo xileedka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood ayaa loo xil saaray inay xog uruurin ka soo sameeyaan saamaynta cudurkaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda xog uruurintaas ay u soo gudbiyaan golaha Shacabka.
Haddaba halka hoose ka Akhriso magacaabidda guddigaas:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







