Saturday, June 6, 2026
26.4 C
Mogadishu

Update: Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in weerar hoobiye yaal ah lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Bahir Dar iyo Gondar Ismaamulka Amxaarada Ethiopia. 

Madaafiicda ayey dowladdu sheegtay inay ku dhaceen dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee garoomada (run way) halkaas oo qasaare ay u geysteen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid wax ku noqotay weerarka oo ay dowladdu ku eedeysay kooxda TPLF oo ay sheegtay inay ku jirto rafashadii ugu dambeysay.

Garoonka magaalada Bahir Dar ee loo yaqaan Ginbot 20 waxaa magaalada uu dhanka galbeed kaga beegan yahay 8-KM. Garoonka Gondar ayaa isna magaalada 18-KM kaga beegan dhanka Koonfureed.

Ugu dambeyn, dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo iyo wax u muuqday rasaas la is dhaafsanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...