Washington (Halqaran.com) – Joe Biden ayaa goor-dhow lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay tartankii doorashada Madaxtnimada dalka Mareykanka ee kala dhaxeeyay Donald Trump.
Joe Biden ayaa helay 284 codadka ergooyinka.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa shaaciyay guusha madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.
77 jirkan ayaa noqonaya Madaxweynaha ugu da’da weyn ee xilka madaxtinimada dalka Mareykanka ku guuleystay.
Natiijadan ayaa Donald Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed kali ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





