Muqdisho (Halqaran.com) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyay xubnaha guddiga doorashooyinka ee ay soo xuleen maamulada qaar in ay yihiin Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugnidda ee NISA.
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in xubnaha guddiga ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Rooble ay yihiin taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro weyn in maanta dowladda Soomaaliya aysan kalsooni ku qabin bulshada Soomaaliyeed oo guddiyadii doorashada loo soo xulayo xubno ka tirsan NISA.
“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabeelle iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda” ayuu yiri Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay, “Halka Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah”
Xubnaha loo magacaabay guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa waxaa ka taagan dood weyn, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





