Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

Shirkii Banbixii Golaha Wasiirrada Somaliya oo la soo gabagabeeyay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 5 Nofeembar 2020 soo gabagaboobay banbax howlleed ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo soconayey muddo saddex maalmood ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirka banbaxa looga faa’iideystay waxaa ka mid ahaa in si waanaagsan la iskula fahmay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo doorka wasaarad walba ay ku leedahay hirgelintiisa, heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka dadban ee laga fulinayo dalka 2020/2021, xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, arrimaha caddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka iyo dardargalinta dagaalka lagula jiro argagaxisada, arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaargarowga laba-kacleynta Caabuqa COVID-19.

Waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax howlleedkan dhamaystirka qorshaha 100ka maalmood ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulineed ee wasaarad walba la gashay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Intii uu socday banbaxu Ra’iisal Wasaare Rooble wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada la dagaalanka musuqmaasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku salaysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haweenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025.

Waxayna Xukuumaddu balan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano ka dib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban.

Intii lagu guda-jiray howllaha banbaxa waxaa kaloo diiradda la saaray Barnaamijka dhab-u-heshiinsiinta dalka iyo wax ka qabashadda tacaddiyada loo geysto haweenka iyo caruurta, kuwaa soo qayb ka ah howlaha hortabinta u leh Xukuumadda.

“Waxaan ku boorinayaa Golaha Wasiiradda in aan hakad ku iman addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda xiliga doorashada” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...