Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka Sare ‘Xaashi’ oo ka horyimid guddiga uu magacaabay RW Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble in uu ka tagay Xubno uu u gudbiyay, kuwaas oo uu doonayay in lagu daro Guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay waxaa uu ku dhawaaqay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee Heer federal, hayeeshee guddoomiyaha Aqalka Sare uu sheegay in xubno uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha laga waayay liiska Xubnaha guddiyada.

War qoraal ah uu soo saaray Khamiistii Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra‘iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble haddii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin, islamarkaana matalin.

Waxay aheyd 8-dii Bishii Oktoober ee sanadkan markii guddoomiyaha Aqalka Sare uu Magacaaabay Xubnaha Gobolada Waqooyi ku matalaya Gudiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafaadka, ayaa waxa uu Xubnahaasi uu sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in laga reebay Guddiyada uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...