Jowhar (Halqaran.com) – Waxaa Sabtida maanta ah lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu qabto munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb gali doonnaa Guddiga doorashooyinka maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale, waxaa lagu waddaa in maalinta berri oo Axad ah ay yeeshaan kulankoodii koowaad oo ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye KMG ah.
Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee dhawaan la soo xulay ayaa warbaahinta u sheegay, in maanta ay dhici doonto munaasabada dhaarinta.
Si kastaba ha’ahaatee, doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa lagu waddaa in ay dhacdo shanta bisha soo socoto ee November.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





