Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Dhul-gariir dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay Turkiga

Izmir (Halqaran.com) – Inta la xaqiijiyay 6 ruux ayaa geeriyootay 200 oo qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 maanta oo Jimca ah uu ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 70, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale ee ku haray daaraha bur buray.

Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Murat Kurum ayaa sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...