Garoowe (Halqaran.com) – Wafdi ka socda dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.
Mas’uuliyiinta lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda beeraha iyo Waraabka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid.
Wasiir Saciid ayaa waxaa wehlinayay agaasimaha waaxda badbaadada dhirta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Xuseen.
Soo dhaweyn kaddib, wafdiga ka socda DF Soomaaliya ayaa loo galbiyay dhanka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, iyagoona halkaasi ay kula kulmeen madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Sidoo kale, mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo dardar gelin lahaa howlaha socda.
Ugu dambey, waxaa ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Ayax farabadan oo maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin kala duwan ku haayao deegaannada Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





