Saturday, June 13, 2026
25.9 C
Mogadishu

Wasiirrada cusub ee Xukuumada Ra’iisul Wasaare Rooble oo inta badan xilalkii la wareegay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XF Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula wareegeen wasiirrada cusub ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -udhiska mudane Maxamed Aadan Macallin, awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha mudane Cabdikariin Ashkir.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan howlaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo alle ka baryey inuu ku guuleeyo waajibaadkaas qaran.

Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo Masuuliyiinta wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay Qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan.

Ugu dambeyn, wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane sadiiq warfaa, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Deeqa yaasiin Xaaji, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...