Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Xaliimo Yareey oo eedeyn kulul u jeediyay dowlad goboleedyada dalka (Maxaa cusub?)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeeysay Madaxda Dowlad goboleedyada inay ku xad gudbeen heshiis horay loo gaaray, islamarkaana ay xaqireen doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda.

War qoraal ah oo ay Xaliimo yareey soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ay soo Magacaabeen dowlad goboleedyada aysan wax door ah ka siin haweenka marka laga reebo Puntland, waxaana ay baaq u dirtay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda  Dowlad Goboleedyada ah inay haweenka ka reebeen guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha ay gaareen‘‘ ayay tiri Xaliimo Yareey.

Dhammaan Shanta dowlad goboleed ee ka jira dalka ayaa waxaa ay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ku matalaya, waxaana min hal xubin oo haween ah ku daray Xubnahaas maamullada Puntland iyo Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...